Tababar loosoo xiray howlwadeenada hay’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka

Published: October 21, 2020

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl Cusmaan Xasan Cosoble ayaa u soo xiray tababar u socday saraakiil ka kala socota Hey’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tababarka oo ku saabsanaa ka hortagga cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo Maamulka xuduudaha, ayaa ujeedada loo qabtay waxay tahay xiligaan oo ay jiraan dhibaatooyinku sidii saraakiisha safka hore ee ka howlgala Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, sare loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfaddooda si ay uga hortagaan cudurka degdega u faafa ee CoronaVirus.

Tababarkaan oo socday mudo 4 maalmood ah  ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo dhanka fududeynta iyo bixinta casharada tababarkaba la kaashatay Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobay (IOM)

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ay labaduba  ka howlgalaan xuduudaha Dalka ayna muhiim tahay in aqoontooda iyo xirfadoodaba sare loo qaado. Sidoo kale Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay ku barteen Tababarka Xafiisyada ay ka kala shaqeeyaan, dhanka kalena waxa uu u  rajeeyey inay wax badan ka badali doonaan habka ay iminka u shaqeeyaan.

Ugu dambeyn Saraakiisha ka qeybqaadatay tababarkan ayaa la gudoonsiiyay Shahaado ka marqaati kaceysa Cilmiga ay barteen afartii maalmood ee uu Tababarku u socday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *