Wafdigii ugu horeeyey ee Imaaraati ah oo booqday Israel

Published: October 21, 2020

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Golahiisa wasiirada ayaa soodhaweyn diiran u sameeyey wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Dowlada Imaaraatiga oo Salaasadii shalay booqday magaalada Tel Aviv.

Wafdiga Imaaraatiga waxaa hogaaminayey Wasiirka Ganacsiga Abdullah bin Touq al-Mari iyo Wasiirul Dowlaha Maaliyada Cubayd Xumayd al-Tayer.

Diyaarada Etihad oo wafdigan ka qaaday Abu Dhabi ayaa waxaa sidoo kale la socday Xoghayaha Maaliyada Maraykanka Steven Mnuchin iyo xubo kale oo ka socday dowlada Maraykanka.

Waa markii ugu horeysay oo uu wafdi dowlada Imaaraatiga ah booqasho rasmi ah ku tagaan Israel tan iyo markii ay saxiixeen heshiiskii bishii lasoo dhaafay ee September, heshiiskaasi oo la sheegay inuu kasoo shaqeeyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Xiriirka Imaaraatiga iyo Israel ayaa mudooyinkii danbe sii xoogeysanyey waxayna labada dal cabsi xoogan ka qabaan Dowlada Iran.

Wafuudan ayaan ka bixin Airporka Tel Aviv ee Ben Gurion 5tii saac ay ku sugnaayeen magaalada Tel Aviv, booqashadan ayaa kusoo beegantay xili Israel ay wado dhul boob cusub oo ay kula wareegayso deegaano ka tirsan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin oo ay ka dhisayaan xaafado la dajiyo dadka Yahuuda.

Maamulka Falastiin iyo ururka Xamaas oo cambaareeyey booqashadan ayaa ku sheegay mid Israel kusii dhiirgelin doonta inay dardar geliso dhul boobka ay ku heyso deegaanada kooban ee usoo haray shacabka Falastiin ee dhulka (West Bank).

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *