Taiwan oo maxkamad soo taageysa Shiinees dad ku dilay xeebaha Soomaaliya

Published: October 22, 2020

Dowlada Taiwan ayaa maxkamada soo taageysa nin u dhashay dalka Shiinaha oo loo heysto dilka Soomaali lagu tuhmay inay ahaayeen burcad-badeed.

Dilkan ayaa dhacay sanadkii 2012, xiligaasi oo la sheegay in Markab laga leeyahay Taiwan oo uu kabtan ka ahaa ninkan u dhashay Shiinaha ay rasaas ku fureen afar nin oo Soomaali ah oo watay dooni yar.

Kabtankan ayaa la sheegay inuu ku amray illaalada saarnaa Markabkiisa wax-jariifa inay rasaas ku furaan raggaasi Soomaalida ah kadib markii ay burburiyeen doonidii yareyd oo ay wateen afartaa nin ee Soomaalida ah.

Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in xogtan la ogaaday kadib markii filim laga duubay dhacdadan lagu shaaciyey Youtube, filimkan ayaa la sheegay in laga helay telefoongacanta ah oo looga dhextagay gaari Taxi ah.

Muuqaalkan ayaa laga maqlayey Kabtanka oo amar ku bixinaya in la dilo Soomaalidaasi oo markaasi badda dul-sabeenayey.

Naakhuudahan ayaa qirtay inuu amray dilka isagoo sheegay in raggan Soomaalida ah ay ahaayeen Burcad-badeed isla markaana uu ka cabsi qabay in ay weerar kale kusoo qaadaan Markabkooda oo xiligaasi ka kaluumeysnayey xeebaha Soomaaliya.

Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in isagoo og raggaasi inaysan is difaaci karin uu Kabtankan ku amray illaalada Markabka u saarnaa oo u dhashay dalka Pakistaan inay rasaas badan ku furaan afartaa qof ee u dhashay Soomaaliya.

Maraakiibta laga leeyahay dalalka Aasiya ayaa in muddo ah faro-ba’an ku haya xeebaha Soomaaliya, waxayna horey sidan dilal ugu geysteen kaluumeysato Soomaali ah, hase yeeshee inta badan ma dhacdo in maxkamad loo soo taago shisheeyahaasi falalkan ay ka geystaan xeebaha Soomaaliya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *