Taliyaha Ciidamada Ugandha ee AMISOM oo kormeeray saldhigyo muhiim ah

Published: October 22, 2020

Taliyaha ciidamada Ugandha ee AMISOM oo kormeer ku tagay saldhigyada ciidamadaasi ku leeyihiin gobalada Banadir iyo Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamadooda ay wadaan hawlgalo ay ku sugayaan wadooyinka isku xira xarumaha ay ka hawlgalaan.

Brig. Gen. Richard Otto ayey kormeerkiisa ku wehliyeen saraakiisha sare ee ciidamada Ugandha, waxaana kamid ahaa goobaha uu booqday saldhigyada militari ee ku yaal Barawe, Balidoogle, Ceeljaale iyo Carbiska.

Taliye Otto ayaa sheegay in hawsha ay hada hayaan ay qeyb ka tahay taageerada ay siinayaan ciidamada Militariga Soomaaliya ee hawlgalada ka wada gobaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *