Puntland Oo Manhajkeeda Waxbarasho Ka Dhigaysa Af-Soomaali – VIDEO

Published: October 23, 2020

Dowlada Puntland ayaa sanadka soo socda manhajkeeda waxbarashada ee dugsiyada hoose ee deegaanada Puntland ka dhigaysa af-Soomaali, sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble.

Wasiiru dowle Cabdullaahi ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garoowe oo looga hadlayey haddimadii burburka iyo hayaanka hiilka afka Hooyo, taas oo ay soo agaasintay hay’adda PDRC.

Sidoo kale wuxuu sheegay dugsiyada hoose markii ay sanadka dambe ku bilaabaan inay sannadka xigana dugsiyada dhexe ku xejin doonaan.

Golaha wasiirada Puntland ayaa 15kii bishan October 2020 waxay meel-mariyeen xeerka ilaalinta af-soomaaliga, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Hadaad ka run sheegaan waxaa meesha ka baxaayo lacagta macna darada la siiyo macalimiinta ajaanibta ah oo wax faa’iido u leheen dadka iyo dalkaba.

  2. Way fiicantahay in la ilaaliyo af-soomaaliga, laakiin ilama habboona in Waxbarashada oo dhan lagu beddelo Af-soomaali. Maaddooyinka sida taariikhda iyo wixii lamidka waa macquul laakiin culuunta xisaabta iyo Sayniska ma aha arin fiican. Maadaama ilmahani laga yaabo inay jaamacado adduunka ka galaan oo luqado kale wax ku bartaan, af soomaaliga culuunta lagu baranayaa khasaare weyn bay keeni doontaa. Arrintaa waa in aad looga fiirsadaa