Ciidamada Puntland Ee PSF Oo Qabtay Doonyo Iyo Saxiimado Wadey Hub Sharci Darro Ah

Published: October 24, 2020

Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa maanta hawgal ay ka fuliyeen xeebaha deegaanada Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado oo kala tirsan gobolada Bari iyo Sanaag ayey kusoo qabteen doonyo iyo saxiimado sharci darro ah.

Saraakiisha hoggaamiyay howlgalkii maanta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka badda looga sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in looga hortago kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamada PSF ayaa lagu sheegay inay ciidanka oo adeegsanaya doonyo nooca dheereeya ay qabteen doonyahan iyo saxiimadahan oo laga leeyahay dalka Yemen.

“Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas  oo ay ciidanka PSF heleen xogtooda”

PSF

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *