Puntland Oo Wax Ka Badalaysa Sharciga Law-Number-7

Published: October 24, 2020

Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta shir lagu soo bandhigayo wax ka badalka sharciga cusub dowladaha hoose ee (Law Number-7) iyo xoojinta nidaamka wada-shaqeynta gobalada, degmooyinka, iyo soo-jeedinta qorshaha fog ee machadka dowladdaha Hoose (LGI) ku qabatay magaalada Garoowe.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka, gobaladda, xoghayaasha dowladdaha hoose, Isku-duwayaasha gobalada, masuuliyiin ka socotay machadka dowladdaha hoose, gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga Puntland iyo masuuliyiin kale

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan masuuliyiinta wasaaradda ayaa daahfuray shirka, wuxuuna shirkan socon doonaa muddo todoba cisho ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland ayaa dhawaan qaybin doonta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee (law-7) iyadoona la gaarsiin doono dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *