Trump oo ku hanjabay in Masar burburin doonto Biyo Xireenka Itoobiya – Video

Published: October 24, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay mar uu ka hadlayey heshiiska dhexmaray Sudan iyo Israel, ayuu soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan gobalka isagoo sheegay in hada Masar ay qarka u saaran tahay inay burburiso Biyo Xireenka ay dhiseyso Itoobiya.

Trump ayaa hadaladiisa kusii daray “…Masar sidan kuma sii noolaan karto, waxay ahayd mar hore inay tilaabo qaadaan oo ka hortagaan dhismaha Biyo Xireenka….Shan sano ayaan waan waan ka dhex wadnay laakiin Itoobiya ayaa jabisay heshiiskii la saxiixi lahaa…”

Donald Trump

Dowlada Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalada Madaxweynaha Maraykanka ayaa maanta u yeertay Safiirka Washington u fadhiya Addis Ababa.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkooda aysan qaadan doonin in lasoo farogeliyo madax-banaanidooda, isla markaana hadalada Trump ay yihiin kuwo xiisad lagu abuurayo oo ka horimaanaya sharuucda caalamiga ah.

Itoobiya ayaa horey ugu eedaysay Trump inuu la safan yahay Dowlada Masar, kadib markii lagu guuleysan waayey wadahaladii u socday Itoobiya, Sudan iyo Masar ee arrimaha biyo-xireenka.

Xukuumada Donald Trump ayaa dhawaan shaacisay inay joojisay deeqdii ay siin jirtay dalka Itoobiya oo boqolaal milyan oo dollar gaareysa. Maraykanka ayaa ku eedeeyey xukuumada Itoobiya inay iyadu jabisay waan-waantii ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *