Afghanistan: Ciidamada oo dilay hogaamiye ka tirsan AL-Qacida

Published: October 25, 2020

Ciidamada Dowlada Afghanistan ayaa sheegay inay dileen mid kamid ah hogaamiyayaashii Al Qacida ee uu Maraykanka baadi-goobayey.

Abu Muhsin al-Masri ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha sare ee Al Qacida, waxaana maanta oo Axad ah la shaaciyey in lagu dilay hawlgal ka dhacay gobalka Ghazni ee bariga wadanka Afghanistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Afghanistan Masoud Andarabi ayaa bartiisa twitter ku shaaciyey in lagu guuleystay hawlgalkaasi, hase yeeshee wax faah faahin dheeraad ah kama bixin hawlgalkan.

Dowlada Afghanistan oo ayaa ku eedaysay kooxda Talibanka ay weli gabaad-siineyso xubnaha sar-sare ee Al Qacida, xili Dowlada iyo Talibanka uu shir lagu dhex dhexaadinayo uga socdo dalka Qatar.

Maraykanka iyo Talibanka ayaa bishii Feberaayo ee sanadkan heshiis taariikhi ah kala saxiixday, waxaana kamid ahaa qodobada lagu heshiiyey in Talibanka aysan wax gabaad ah siin kooxaha argagaxisada sida Al Qacida.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *