Erdogan oo ku baaqay in baaritaan Maskaxda ah lagu sameeyo Macron!

Published: October 25, 2020

Dowlada France ayaa maanta oo Axad ah dib ulla soo noqotay Safiirkii u joogay Turkiga, maalin kadib markii Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan uu sheegay in hogaamiyaha France Emmanuel Macron u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah.

Erdogan ayaa layaab ku tilmaamay cadaawada Macron u muujinayo Muslimiinta iyo diinta Islaamka, arrintan oo daba socotay qorshaha Xukuumada Macron oo sheegtay inay soo rogeyso sharuuc cusub oo ay uga hortageyso waxay ugu yeeraan Islaamiyiinta Gooni-u-goosadka ah.

“…Maxaa ka khaldan ninkan Macron oo ku wareeray Muslimiinta iyo Islaamka, wuxuu u baahan yahay baaritaan dhanka dhimirka ah, wuxuusan fahansaneyn xoriyada fikirka iyo diimaha, ma jiraa hogaamiye qaabkan oo kale ulla dhaqma malaayiin kamid ah ummada uu xilka u hayo?….”

TayYib Erdogan

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa dhawaan sheegay in sharuucda ay soo rogayaan ay uga hortagayaan kooxaha uu sheegay inay khatar ku yihiin amniga dalka France, gaar ahaan kooxaha Muslimiinta Xagjirka ah oo uu sheegay inay wadaan olole ay kula wareegayaan deegaanada ay ku badan yihiin Muslimiinta ee gudaha wadankaasi France.

Kooxaha ayuu sheegay Macron inay doonayaan inay caruurta muslimiinta ku koriyaan cadaawada dalka iyo dadka ay la noolyihiin taasina ay sii kala fogeynayso shacabka wadanka France ee diimaha kala duwan heysta.

Macron ayaa hadaladiisa sii raaciyey erayo xiisad dhaliyey isagoo sheegay in ay xiisad ka dhex taagan tahay diinta Islaamka meel walba oo caalamka kamid ah, hadaladan oo ay si weyn u cambaareeyeen culumada Muslimiinta gaar ahaan kuwa ku nool dalka France.

Dilkii todobaadkii hore ka dhacay dalkaasi ee loo geystay nin macalim ah oo uu dilay wiil muslim ah ayaa noqotay fursad markale ay xukuumada Macron u adeegsadeen cadaadiska ay saarayaan ururada islaamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha France ayaa sidoo kale sheegay inay xiri doonaan mid kamid ah ururada u dooda Muslimiinta France oo uu ku eedeeyey inay ku lug lahayd dilka ka dhacay dalkaasi, walow uusan soo bandhigin wax cadeyn ah.

Xiisada ku aadan arrimaha Diinta ayaa ah mid muddo dheer kasoo taagneyd dalka France, waxaana dhawaan sidan oo kale xiisad uga dhalatay kadib markii haweenay heysta diinta Kirishtaanka Katooliga lagu khasbay inay dharkeeda bedasho hadii ay dooneyso inay ku noolaato goobaha dadka waayeelka ah lagu daryeelo, arrintaasi oo si weyn loo cambaareeyey.

Dowlada France oo ku dooda inay illaalineyso dhex dhexaadnimada dowladaasi inaysan shuqul ku yeelan diimaha, ayaa horey u mamnuucday dhamaan calaamadaha diimaha in lagu xirto xarumaha dowlada iyo goobaha la isugu yimaado sida iskuulada.

Marka laga yimaado arrimaha muslimiinta France, waxaa xiligan loolan adag ka dhaxeeyaa France iyo Turkiga oo ku loolamaya arrimaha dalka Liibiya iyo batroolka laga baarayo badda medditeranean.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *