Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Doorashada Soomaaliya 2021 – VIDEO

Published: October 25, 2020

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Mareykanka, lagana soo doorta gobolka Minnesota ayaa ka hadashay doorka ay haweenku ku yeelan karaan doorashada Soomaaliya ka dhacaysa 2021.

Ilhaan oo waraysi siinaysay BBC Somali ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed u baahan yihiin dhiirigelin iyo garab istaag si loo tijaabo hogaamintooda, iyadoo tusaale usoo qaadatay gabadhaha ku nool Maraykanka ee ku guuleystay hogaanka.

“Waxaan ka rajeynayaa doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya in la dhiirigeliyo dumarka in la aamino in ay wax badan soo dhicin karaan haddii boos la siiyo”

Ilhaan Cumar

Haweenka Soomaaliyeed ayaa doorashada sanadka 2021 waxay dadaal xoog leh ugu jiraan sidii ay u ilaashan lahaayeen qoondada 30% ee ay ku leeyihiin siyaasadda.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *