Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Published: October 25, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed axamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Koonfur Galbeed oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa maanta ka qaybgalay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *