Puntland Oo Beenisay Inay Alshabaab Qabsatay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Published: October 25, 2020

Dowlada Puntland ayaa beenisay kooxda Alshabaab inay shalay qabsadeen tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-qoray ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Taliyaha Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag, Gen. Cabdullaahi cumar Canshuur oo u waramay laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay inay Alshabaab shaqadoodu tahay dhuumaalaysi isla markaana ay jirin meel ay qabsadeen.

” Alshabaab wey jirtaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo hadba dadka iska soo tusayaan wey jirtaa laakiin meel ay degaan oo ay fadhiyaan ma jirtee dadkii lahaa baa jooga”

Gen. Canshuur

Kooxda Alshabaab ayaa maanta sheegtay inay qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka guryasamo oo u dhow degmada Laasqoray, sida ay ku daabaceen warbaahintooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *