Xasan Cali Kheyre Oo Lagu Soo Dhoweeyey Turkiga

Published: October 25, 2020

Raysal wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Istambul ee dalka Turkiga, isagoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay halkaas.

 Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay dardar ku bilaabay ololihiisa doorashada tartanka Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa safaro ku tagay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Waa Musharaxa kaliya ee Ololihiisa si weyn looga dareemay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, tan iyo markii bishii hore uu baraha bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook ku shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Khayre oo ay wehliyaan saraakiil kamid ah kooxdiisa ololaha ayaa lasoo warinayaa inuu la kulmayo madaxda dalka, bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iyo qurba joog kale dalalka Yurub uga timid inay la kulmaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *