Maamulihii Amal Bank Ee Kismaayo Oo La Dilay

Published: October 26, 2020

Alle ha u naxariiste waxaa maanta salaadii duhur kadib rag hubaysan ku dileen magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow oo ahaa maamulihii shirkada Amal ee Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in masuulkan la toogtay xili kasoo baxayey masaajid ku yaalla xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo, raggii falkaasi geystay ayaana goobta ka baxsaday.

Ciidamada Amaanka Jubbaland oo tagey goobta falkaasi ka dhacay ayaa baaritaan ka wada magaalada Kismaayo, si ay usoo qabtaan dadkii dilay Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow oo ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *