Somaliland Oo Hakisay Shaqooyinkii UNSOM Ee Deegaanadeeda

Published: October 26, 2020

Maamulka Soomaaliland ayaa maanta sheegay inay hakiyeen shaqooyinkii hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen gudaha deegaanada Soomaaliland.

Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland, ayey ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay Qaramada Midoobay iyo Maamulka Somaliland.

Lama oga sababta keentay in la joojiyo wadashaqeynta Qaramada Midoobay, hase ahaatee waxa arrintan kusoo beegantay xilli ay dowlada federaalka Soomaaliland iyo Qaramada Midoobay kala saxiixdeen heshiis sheegaya dhamaan barnaamijyada UN-ka ee Soomaaliya in lasoo marsiinayo dowlada federaalka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *