Somalia: Dad Cusub Oo Laga Helay Coronavirus

Published: October 27, 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin hor leh oo la xiriirta halista cudurka safmarka ah ee Covid 19 iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada ka soo saaray magaalada Muqdisho.

Baaritaan lagu sameeyay 2,432 Qof, 5tii maalmood ee ugu dambeeyey Soomaaliya ayaa xanuunka Covid19 laga helay 44 qof oo kamid ah.

Dadka xanuunka laga helay ayaa dhamaantood jooga deegaanada Soomaaliland, 34 Lab ah iyo 10 dhedig ah, laba qof ayaa u dhintay, waxaana ka bogsaday 19 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Soomaaliya ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa hada gaartay 3.941 qof, halka dhimashada guud tahay 104 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *