Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Galmudug

Published: October 27, 2020

Wafdigan ayaa waxaa kamid ahaa Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Wakiilada Midowga Afrika, EU iyo IGAD.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo kulan la yeeshay wafdigan ayaa uga warbixiyey xaalada gobalka, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka.

Wafdigan oo horey socdaal ugu tagay Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay hogaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ay kala hadli doonaan hawlaha Doorashooyinka, Amniga iyo mashaariicda gargaarka ee laga wado dalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *