Dooni qaxooti siday oo degtay badda u dhaxeysa France iyo UK

Published: October 28, 2020

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dooni yar oo siday qaxooti kuwaasi oo kasoo baxay dalka France kuna sii jeeday wadanka UK.

Doonidan ayaa la sheegay inay degtay shalay xili ay dabaylo xoogleh ka dhacayeen badda waxaana lasoo badbaadiyey inta badan dadkii doonidaasi saarnaa kadib markii ay u gurmadeen ciidamada iyo kaluumeysatada Faransiiska.

Waxaa doonta saarnaa sida la xaqiijiyey 20 qof, dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jireen labo caruur ah oo u adkeysan waayey  biyaha qabow ee badda, inta kale ee nololasha lagu soo badbaadiyey ayaa la dhigay isbitaalo ku yaal magaalooyinka Calais iyo Dunkirk ee waqooyiga Faransiiska.

Wadanka France ayey ku sugan yihiin dad badan oo qaxooti ah kuwaasi oo loo diiday wax sharci ah isla markaana siyaabo kala duwan isugu daya inay u tilaabaan dhinaca dalka UK.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *