FRANCE: Ciidamadeeda amniga oo heegan la geliyey xiliga laga cabsi qabo weeraro cusub

Published: October 28, 2020

Dowlada France ayaa sheegtay inay heegan sare ku jiraan ciidamadooda amniga iyagoo ka cabsi qaba weeraro horleh oo ka dhaca gudaha dalkaasi.

Arrintan ayaa imaaneysa xili Muslimiinta Caalamka ay si adag u cambaareeyeen hadalada kasoo baxay Madaxweyne France Emmanuel Macron oo sheegay inuu la dagaalamo muslimiinta xagjirka ah, kadib dilkii loo geystay macalim u dhashay dalkaasi 16kii bishan Oktoober.

Dunnida Islaamka ayaa cambaareysa taageerada uu Macron u muujiyey sawirada lagu aflagaadeenayo Nebi Maxamed SCW ee horey u daabaceen jaraa’idka dalkaasi.

Inta badan dalalka Muslimiinta ayaa waxaa hada ka bilowday olole lagu takoorayo dhamaan alaabaha laga keeno dalka France. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen dalalka Islaamka maalmihii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ee France ayaa ku eedeeyey in Turkiga iyo Pakistaan ay qeyb ka yihiin ololahan isla markaana doonayaan inay faraha soo geliyaan arrimaha gudaha ee wadanka France.

Gerald Darmanin ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay tixgelin iyo xushmeyn ku leedahay gudaha France, balse waxa ay la dagaalamayaan ay yihiin kooxaha xagjirka ah, waa siduu hadalka u dhigayee.

Wasiirkan ayaa sheegay inay jiraan xog ay helayaan in ay dhici karaan weeraro argagaxiso maalmaha soo socda isagoo sheegay inay ciidamo dheeraad ah dhigi doonaan goobaha lagu cibaadeysto ee dalkaasi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *