TANZANIA: Doorashada Madaxweynaha iyo cabsi laga qabo banaanbaxyo rabshado wata

Published: October 28, 2020

ShacabkaTansaaniya ayaa maanta u codeenaya Madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana la filayaa inay guusha raacdo Madaxweynaha xilka haya oo markii labaad tartamaya John Magufuli.

Madaxweyne Magufuli ayaa hogaaminaya xisbi Xaakimka Chama Cha Mapinduzi party, oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii ay xoriyada qaateen 1961dii.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa ku eedeeyey Xisbiga talada haya iyo Madaxweyne Magufuli inay cadaadis iyo cago-jugleyn ku hayaan hogaamiyayaasha mucaaridka.

Codbixinta ayaa lagu wadaa inay socota illaa galabta 4ta saacada dalkaasi.

In ka badan 29 milyan oo qof ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan doorashadan.

Mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka Freeman Mbowe oo ka tirsan xisbiga  CHADEMA, ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe Hotelkii uu degenaa usoo dhaceen Booliiska iyo kooxo hubeysan isla markaana afduubteen qaar kamid ah illaaladiisa.

Hase yeeshee Madaxweyne Magufuli ayaa cabsida ugu weyn ka qaba hogaamiyaha mucaaridka ee lagu magacaabo Tundu Lissu oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday.

Tundu Lissu ayaa sanadkii 2017 ka badbaaday iskuday dil, wuxuuna hogaamiyahan oo leh taageero badan sheegay inay dhigi doonaan banaanbaxyo hadii la musuq maasuqo codbixinta maanta.

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *