USA: Rabshado ka dhacay Philadelphia kadib dilka nin Madow

Published: October 28, 2020

Booliiska Maraykanka oo markale nin madow ku dilay magaalada Philadelphia ee Pennsylvania ayaa sababay kacdoon shacabka oo xalay burbur iyo bililiqo u geystay qeybo kamid ah magaaladaasi.

Ninkan la dilay oo lagu magacaabo Walter Wallace Jr. ayaa ahaa 27 sano jir qabay cudurka dhimirka, isla markaana ay qoyskiisa u waceen gaari Ambulance ah balse booliiska oo goobtaasi gaaray ay toogteen ninkaasi oo ay sheegeen inuu watay mindi.

Guddoomiyaha gobalka Pennsylvania Tom Wolf ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojiyo ciidamada booliiska.

Horey ayey sidan oo kale rabshado uga dhaceen magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka kadib markii ay booliiska si sharci daro ah u dileen rag madow oo aan wax danbi ah gelin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *