Golaha Amaanka oo ka hadlay Dhaqaalaha Al-Shabaab

Published: October 29, 2020

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay warbixino ka dhageystay guddiyada u qaabilsan Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, Hay’ada dabagalka danbiyada & daroogada iyo Xog kale oo laga soo diyaariyey illaha dhaqaalaha ee kooxda Al Shabaab.

Warbixintan oo u badneyd xogtii sanadkii lasoo dhaafay ay guddiyadan kasoo diyaariyeen xaalada Soomaaliya gaar ahaan awooda kooxda Al Shabaab dhanka dhaqaalaha iyo hubka ayaa lagu sheegay in kooxda Al Shabaab si weyn u dhexgashay ganacsiga Soomaaliya isla markaana ay dhaqaale badan ka heshay hawlahooda isugu jira Baadda iyo Canshuuraha.

In ka badan $21 milyan oo dollar ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab sanadkii lasoo dhaafay ku bixiyeen ciidamadooda, hubka iyo sirdoonka.

Waxaa kamid ahaa xogta Golaha Amaanka loo gudbiyey qaabka ay Al Shabaab ku qaado canshuuraha iyo akoonada kooxdaasi uga furan qaar kamid ah Bangiyadda Soomaaliya ku yaal. Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay inay gadatay qaar kamid ah Xarumo ganacsi iyo dhulal ku yaal Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Golaha Amaanka ayaa isku raacay in la cusbooneysiiyo cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, arrintaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub ee hada xubnaha ka ah Golaha Amaanka.

Safiirka Belguim ee UN-ka u fadhiya Philippe Kridelka oo hada guddoominaya Guddiga Golaha Amaanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in xogta Golaha loo soo gudbiyey ay muujineyso in la dagaalanka AL Shabaab aan lagu koobi karin dhinaca militari balse u baahan tahay in wax laga qabto illaha dhaqaalaha ee Al Shabaab.

Dowlada Ruushka oo xubin ka ah Golaha Amaanka oo taageertay in lasii wado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegtay in loo baahan yahay in cunaqabateyntan aysan wax saameyn ah ku yeelan ciidamada Dowlada Soomaaliya ee la dagaalamaya Shabaabka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *