Guddoomiye Mursal Oo Xukuumada Rooble Faray Doorasho Waqtigeeda Ku Dhacda

Published: October 29, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa faray xukuumada cusub ee raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble inay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkan ka yiri munaasabad xalay guddoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka looga mahadcelinayey ansixintii golaha wasiirada cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya.

” Raysalwasaare Rooble…..2020/21 waxaa lagaaga fadhiyaa in wadankaan doorasho aad gaarsiisid, doorasho nabad ku dhacda “

Guddoomiye Mursal

Raysalwasaare Rooble ayaa horay u sheegay markii xilkan loo magacaabay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho hufan oo cadaalad ku dhisan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *