Mahdi Guuleed Oo Dhagax-dhigay Dhismaha Dayactirka Ee Guriga Hooyooyinka

Published: October 29, 2020

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dhismaha dib-u-dayactirka guriga Hooyooyinka Muqdisho ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye.

“Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”.

Mahdi Guuleed

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka wasaaradda gargaarka , taliyaha ciidanka asluubta, xildhibaanno ka tirsan labada aqal, maamulka gobolka Banaadir, maareeyaha wakaallada dhismaha, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *