Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Labo Qof Oo Lagu Dilay Muqdisho

Published: October 29, 2020

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey dilka laba ka mid ah shaqaalahooda samafalka, oo la sheegay inay magaalo madaxda Muqdisho ku dileen dad looga shakisan yahay inay yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso hadalka Qaramada Midoobay;

Labada shaqaale samafal ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayeen ololaha socday ee tallaalka cudurka dabaysha, ee ay soo qabanqaabiyeen Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka.

“Shaqaalahani waxay ahaayeen dad rayid ah oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay carruurta nugul ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa in dhinacyada oo dhan ee xaaladaha colaadda ay waajib tahay inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta/hay’adaha inay baaritaan buuxa ku sameeyaan dilalka, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska dhibbanayaasha.

“Dhimashada labadan shaqaale caafimaad waxay xadgudub weyn ku tahay Sharciga Caalamiga ee Bani’aadanimada. Iyagoo ahaa shaqaale bini’aadanimo, waxay ku sugnaayeen jiidda hore iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan cudurka dabaysha. Waa wax laga xumaado in la dilo iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dad kale,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

“Waxaan dhammaan dhinacyada ku boorinayaa inay ilaaliyaan shaqaalaha samafalka, taasoo ay ka mid tahay inay dhowraan mabaadi’da samafalka ee bani’aadanimada, eex la’aanta, dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida, si aan Soomaaliya uga cirib-tirno cudurrada laga hortegi karo sida cudurka dabaysha oo kale,” ayuu ku sii daray Isku-duwaha Howlaha Bani’aadanimada.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu cudurka dabayshu ku dhacay 23 carruur ah eek u nool Soomaaliya. Gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, shaqaalaha bani’aadanimada waxay u shaqeynayeen si hakad la’aan ah si ay tallaalka afka ee cudurka dabaysha u gaarsiiyaan 1.65 milyan oo carruur ah, oo ay ku jiraan ku dhowaad nus milyan carruur ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Amniga ayaa wali caqabad weyn ku ah howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya. Tan iyo bishii Janaayo 2020, 191 dhacdo oo ka dhan ah howlaha samafalka ayaa la diiwaangeliyay oo 13 shaqaale samafal lagu dilay, 12 lagu dhaawacay, 24 lagu afduubay iyo 14 lagu xiray ama si ku meel gaar ah loo xiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *