Wasiir Ciid Oo Daahfuray Dhismaha Xarunta La Dagaalanka Ayaxa Soomaaliya Ee Qardho – VIDEO

Published: October 29, 2020

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo maanta soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka daahfuray dhismaha xarunta la dagaalanka iyo ka hortagga Ayaxa Soomaaliya.

Daahfurka ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, wasiirada deegaanka iyo beeraha Puntland, xildhibaano, isimo, waxgarad, madaxda shirkada dhisaysa xarunta iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Ciid oo la hadlay Wakaalada Horseed Media ayaa sheegay inay wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ka go’an tahay sidii degdeg loogu dhisi-lahaa xaruntan oo loo qabo baahi weyn si wax looga qabto Ayaxa.

Bishii January 2020 ayey ahayd markii uu wasiirka beeraha Soomaaliya dhagaxdhigay goobtan oo noqonaysa Xarunta ugu weyn ee la dagaalanka iyo ka hortagga Ayaxa Soomaaliya, taas oo laga hirgelin doono magaalada Qardho.

Sidoo kale waxaa goobta daahfurka looga duceeyey wasiirkii hore ee wasaaradda deegaanka Puntland Ismaaciil Gama’adiid oo u geeriyooday xanuunka Coronavirus, wasiirka ayaa goob-joog ahaa dhagax-dhigii hore ee xaruntan.

Hoos ka daawo Waraysiga:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *