TANZANIA: Mucaaridka oo sheegay in la musuq maasuqay Doorashadii Madaxweynaha

Published: October 30, 2020

Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka Tansaaniya ayaa sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashada Madaxweynaha ee dhacday Arbacadii lasoo dhaafay, xili ay weli socoto tirinta cododka.

Xisbiga Chadema ee hogaaminaya Mucaaridka ayaa ku doodaya inay jiraan musuq maasuq iyo sanaadiikh badan oo laga buuxiyey codod horey ay usii diyaariyeen xisbi Xaakimka CCM.

Natiijada horudhaca ah ee tirinta cododka ayaa sheegaysa in illaa iyo hada la tiriyey cododka 32 degmo oo kamid ah 264 goobood ee codbixinta ka dhacday, waxaana hada cododka hogaaminaya Madaxweynaha xilka haya John Magufuli oo heysta 80% cododka illaa iyo hada la tiriyey.

Madaxweynaha Ismaamulka Zanzibar

Jasiirada Zanzibar oo leh ismaamul u gaar ah oo leh Madaxweyne u gaar ah ayaa la sheegay inay guusha ku raacday  murashaxa ka socday Xisbi Xaakimka CCM oo lagu magacaabo Hussein Ali Mwinyi.

Waxaa xusid mudan Murashaxii Mucaaridka ee Madaxweynaha Zanzibar Seif Sharif Hamad iyo tiro kamid ah hogaanka xisbigiisa (ACT-Wazalendo) ayaa xabsiga la dhigay kahor intaan natiijada looga dhawaaqin Ismaamulka Zanzibar.

Hogaamiyaha mucaaridka Tasaaniya, Md.Tundu Lissu ayaa sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay dhigaan banaanbaxyo ay arrintan uga soo horjeedaan.

Lissu ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka inaysan aqoonsan natiijada.

Digniinta Maraykanka

Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay muuqato caburin ay xukuumada ku heyso mucaaridka iyo musuq maasuq lagu sameey goobaha codbixinta.


Safiirka Maraykanka ee Tanzania Donald J. Wright ayaa bartiisa Twitter ku qoray in hab-dhaqanka xukuumada talada heysa ay muujineyso inaysan kalsooni ku qabin doorasho xalaal ah oo dalkaasi ka dhacda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *