Farmaajo “Waxaan la qaybsanaynaa dhibaatada Shacabka iyo dowladda Turkiga”

Published: October 31, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac  iyo burbur aad u xoog badan.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *