TANZANIA: Guddiga doorashada oo sheegay inuu guuleystay Madaxweyne Magufuli

Published: October 31, 2020

Madaxweynaha dalka Tansaaniya John Magufuli ayey sheegeen guddiga doorashada inuu ku guuleystay 84% cododka.

Magufuli oo u tartamyey markii labaad inuu xilka qabto ayaa la sheegay inay u codeeyeen in ka badan 12.5 milyan oo qof.

Khamiistii ayey horey u sii sheegeen xisbiyada Mucaaridka in doorashada la musuq maasuqay iyagoona qaadacay natiijada maanta oo sabti ah lagu dhawaaqay, waxayna codsadeen in markale la qabto doorasho xalaal ah.

Labada xisbi ee ugu waaweyn mucaaridka Tansaaniya ee CHADEMA iyo ACT Wazalendo, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay bilaabaan banaanbaxyo ka dhan ah xukuumada Magufuli maalinta Isniinta soo socota.

Horseed Media   

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *