Dowlada Federaalka Oo Hambalyo U Dirtay Xildhibaanada Cusub Ee Hirshabeelle

Published: November 1, 2020

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Qoraal kaso baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loogu hambalyeeyay Xildhibaanada Cusub iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeyb qaatay geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa u mahadceliyay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Wasaaradda Qoraalkeeda ku sheegtay  in Guddiga uu qabtay shaqo wanaagsan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *