Biyaha Roobka oo buuxiyey wadooyinka Muqdisho

Published: November 2, 2020

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa qaarkood xirmay kadib roob xoogan oo xalay ka da’ay magaalada arrintaasi oo saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Maamulka Banadir ayaa sheegay inay xalay qabteen hawlo loogu gurmanayo dad ku sugan xaafada Hawlwadaag oo uu gurigooda soo dumay, iyagoona sheegay inay wax ka qaban doonaan biyaha wadooyinka fariistay.

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo intooda badan muddooyin dheer xirnaa qaarna aan weli la dayactirin ayaa waxaan jirin nidaamkii iyo tuubooyinkii biyaha ka qaadi-lahaa arrintaasi oo ay shacabka ku dhaliilaan dowlada Hoose inaysan waxna ka qaban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *