Wafdi Ka Socda Dowlada Soomaaliya Oo Gaaray Qardho

Published: November 4, 2020

Wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Maxamed Xijaar oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka booliska Puntland Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wafdigan waxaa magaalada kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, taliska booliska gobolka Karkaar, saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Masuuliyiintan ayaa booqday xerada tababarada ciidamada Puntland ee Xorgoble Qardho, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen saraakiisha tababarada qaadanaysay iyo masuuliyiinta dugsiga tababarada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo Axadii lasoo dhaafay yimid Puntland ayaa ujeedka safarkiisu ahaa inay booqdaan goobaha doorashooyinka xildhibaanada federaalku ka dhacayaan sida Garoowe iyo Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *