Galmudug Oo Ka Hadashay Qarax Lala Eegtay Ciidanka Qaybta 21aad Ee Xoogga Dalka

Published: November 10, 2020

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay qarax xoogan oo maanta duhurkii Ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka lagula eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa Idaacadda VOA u sheegay qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso in gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidanka dowlada lagula eegtay deegaanka sinna-dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb.

” Baabuur isagu jidka si nabad ah ku marayey oo ay ciidamadu leeyihiin ayaa saaka miino la qaraxday 2 nin oo ciidamada ah ayaana ku dhintay alle ha u naxariistee, dagaal iyo iska caabin meesha ka jirta maahayn “

Wasiir Falagle

Ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana xusid mudan in Shabaab iyo Ciidanka uu dhexmaray dagaalo geystay khasaaro kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *