Shirkada Pfizer oo sheegtay inay ku guuleysatay sameynta Talaalka Covid19

Published: November 10, 2020

Shirkada daawooyinka soo saarta ee Pfizer oo laga leeyahay Maraykanka ayaa sheegtay inay ku guuleysatay sameynta & tijaabinta Talaalka Covid19, arrintan oo durbaba saameyn weyn ku yeelatay suuqyada caalamka.

Shirkada ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqday in dadkii lagu tijaabiyey Talaalkan oo gaaraya 40-kun oo qof ay 90% uusan ku dhicin cudurka Coronvirus xiligii tijaabada ay socotay, arrintan oo ah guushii ugu horeysay oo laga gaaro sameynta Talaal looga hortago cudurkan oo hada ku dhacay in ka badan 50 milyan oo qof caalamka ku nool.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa dhaqaale badan ku bixiyey shirkadaha waaweyn ee daawooyinka soo saara kuwaasi oo tartan ugu jiray bilihii lasoo dhaafay sameynta daawadan.

Dalal kala duwan ayaa heshiis toos ah kula jira shirkada Pfizer si ay shacabkooda u noqdaan kuwa ugu horeeya ee hela talaalkaasi.

Hase yeeshee khubarada ku takhasusay cudurada faafa ayaa sheegaya in loo baahan yahay in guud ahaan caalamka si siman loogu qeybiyo si cudurkan dunnida looga suuliyo.

Rajadan wanaagsan ee daawadan la helay ayaa isla markiiba saameysay suuqyada caalamka oo uu sare u kacay iibka 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Hay’ada caafimaadka dunnida WHO ayaa soo dhaweysay daawada talaalkan lagu guuleystay.

Inkastoo hada muuqato in daawadan ay tahay mid kasoo gudubtay tijaabada ayey hadana adkaan doontaa in caalamka oo dhan la wada gaarsiiyo.

Marka laga eego dhanka kaydinta daawadan oo u baahan qaboojiyaal joogto ah (-70c), talaalka maaliyiinta qof oo ah mid aad u adag ayaa waxaa u dheer in qofkiiba uu u baahan yahay in labo jeer la talaalo taasi oo ah hawl culus oo ay inta badan dowladaha caalamka weli diyaar u ahayn hirgelinteeda.

Tusaale ahaa habka kaliya ee daawadan lagu gaarsiin karo caalamka ayaa ah dhanka duulimaadka, iyadoo baaritaan caalami ah lagu sameeyey Madaarada ama Airportyada dalalka Caalamka lagu ogaaday in 80% aysan heysan kaydka ama qaboojiyayaasha daawooyinkan lagu kaydin karo.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *