Karaash Oo Daahfuray Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga Ee Waxbarashada Puntland

Published: November 11, 2020

Ku-simaha madaxweynaha Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay barnaamijka iskaashiga caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Axmed Karaash, madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku bogaadiyey madaxda wasaaradda waxbarashada Puntland shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay dowladdu siinayso in la horumariyo waxbarashada.

Barnaamijkan iskaashiga caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin iskaashiga horumarinta waxbarashada adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaanada ka fog-fog magaalooyinka waaweyn.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda, madaxda hay’addaha kala shaqeynaya wasaaradda barnaamijkan oo kulanka uga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah, qaar ka mid ah ardeyda Puntland iyo marti sharaf kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *