Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Lagu Doortay Jowhar

Published: November 11, 2020

Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa maanta ku guuleystay madaxweynaha Hirshabeelle halka madaxweyne ku-xigeenka loo doortay Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Sagaashan iyo Sagaal xildhibaan oo codeeyey Cali Guudlaawe wuxu helay codad gaaraya 86 cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay codad gaaraya 13 cod.

Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) uu helay 12 cod.

Cali Guudlaawe ayaa oo horey u ahaa madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayey goobjoog ka ahaayeen doorashadiisa xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Yuusuf Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeele.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *