Gud. Karkaar ” Lacag Gaaraysa Hal Bilyan Oo Shilin Soomaali Ah Ayaanu Qabanay ” – DHEGAYSO

Published: November 12, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayaa sheegay inay xalay ku qabteen magaalada Qardho lacag shilin Soomaali ah oo gaaraysa hal bilyan, taas oo lagu sii wadey magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha oo u waramay Horseed Media ayaa ka sheekeeyey qaabkii ay ku ogaadeen lacagtan isagoo sheegay inay ku qabteen Kantroolka Alxamdulilaah, kadibna ay keeneen magaalada Qardho.

Wuxuu xusay markii ay qabteen lacagtaas boqolaalka Milyan ah inay lasoo hadleen ganacsato ku sugan Garoowe oo sheegay inay leeyihiin.

Puntland oo xilligan ka taagan yahay sicir barar xoogan oo sabab u ah lacagaha shilinka Soomaaliga oo qiimo dhacay taas oo markii suuqyada lagu soo fasaxay dhalisay in dollarku kaco.

Ujeedka iyo sababta ay u qabteen lacagtan guddoomiyaha gobolka Karkaar, wuxuu uga waramay wariyaha Horseed Cali Dholayare.

Hoos ka dhegayso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *