Ciidamada France oo dilay hogaamiye ka tirsan Al Qacida

Published: November 13, 2020

Dowlada Faransiiska ayaa maanta oo Jimce ah shaacisay in ciidamadooda ku sugan dalka Mali ay dileen mid kamid ah hogaamiyayaasha Al Qacida ee Galbeedka Afrika.

Hawlgalka lagu dilay hogaamiyahan oo la sheegay inuu dhacay Salaasadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada Komaandooska iyo diyaaradaha dagaalka ee France.

Hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabo Bah ag Moussa ayaa loo yaqaan Bamoussa Diarra wuxuuna horey u ahaan jiray korneyl ka tirsan militariga dowlada Mali.

Wuxuuna ahaa kuxigeenka kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), kooxdan oo ka tirsan shabakada Al Qacida ayaa horey weeraro badan uga geystay dalka Mali iyo dalalka kale ee jaarka la ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *