Daacish oo sheegatay qaraxii ka dhacay Jeddah, Sacuudiga

Published: November 13, 2020

Kooxda xagjirka ah ee Daacish ayaa sheegatay qaraxii ka dhacay qabuuraha ku yaal magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga Arbacadii lasoo dhaafay.

Qaraxaasi ayaa lala beegsaday xus ay halkaasi ku qabanayeen diblumaasiyiinta Safaaradaha reer Galbeedka ee xusayey askartii ku dhimatay dagaaladii 1aad ee Dunnida.

Qaraxa ka dhacay qabuuraha (Khawajaat) oo ay ku duugan yihiin askartii Ingiriiska iyo Ajaanibta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo qof oo mid kamid ah yahay diblumaasi kasoo jeeda dalka Giriiga.

Xuskaasi ayey ku sugnaayeen Diblumaasiyiin ka kala socotay wadamada France, Greece, Italy, UK iyo Maraykanka.

Booliiska Jeddah ayaan illaa iyo hada faah faahin kasoo saarin qaabka qaraxa u dhacay inuu ahaa mid goobta lagu aasay ama inuu ahaa bam-gacmeed goobtaasi lagu tuuray.

Balse Kooxda Daacish ayaa warbaahintooda Amaq ku shaaciyey in qaraxan uu ahaa mid ay ku aaseen qabuurahaasi.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *