Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta Iyo Khidmadaha Puntland

Published: November 14, 2020

Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulankii 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland.

Maalintii 3-aad ayay Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland oo qodob-qodob uga dooday Xeerka Isgaarsiinta Puntland iyo lifaaqa Khidmadaha ayaa cod gacan-taag ah waxaa ku ogolaaday 36 mudane, hal mudane ayaa diiday, halka mid kalena ka aamusay.

Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *