Ciidamada PSF Iyo Gallayr Ee Puntland Oo Hawlgallo Ka Fuliyey Buuraleyda Gobolka Bari

Published: November 14, 2020

Ciidamada Amniga Puntland ee PSF iyo ururka Gallayr ee ciidamada daraawiishta Puntland ayaa maanta oo sabti ah howlgalo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Ciidanka oo adeegsanayey gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah tuulada karin, buuraleyda Ceel-Onkud iyo Muguc.

Degaanadan Ciidamada ay hawlgalka ka sameeyeen oo 45-KM ka xiga dhanka koonfur bari magaalada Boosaaso ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku leh Ciidamada difaaca Punland ee dagaalka kula jira Daacish iyo Al-shabaab.

Hawlgalan ayaa qayb ka ah howlgalo kala duwan oo ay ciidamada amaanka Puntland maalmahan ka fulinayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada Bari iyo Sanaag.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *