Abiy Ahmed: Itoobiya kaligeed baa ku filan Tigrayga!

Published: November 15, 2020

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si dadban uga hadlay ciidamada Eritrea ee la sheegay inay kusoo biireen dagaalka lagula jiro maamulka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa maanta oo Axad ah bartiisa Twitter kusoo qoray qoraalkan uu ku sheegayo in Dowladiisa ay ku filan tahay soo afjarida hawlgalka militari ee ka socda ismaamulka Tigrayga.

Madaxweynaha maamulka Tigrayga Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay si toos ah dagaalka ugu jiraan, maamulka Tigrayga oo sheegtay gantaaladii lagu duqeeyey caasimada Eritrea ee Asmara ayaa sheegay inay ahayd duqeyntaasi jawaab ku socota dowlada ay jaarka yihiin.

Tigrayga ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay 16 kamid ah guutooyinka ciidamada dhulka ee Eritrea ay ka qeyb qaadanayeen dagaalka ka socda xaduuda u dhaxeysa ismaamulka Tigraga iyo Eritrea.

Hadalka maanta kasoo baxay Abiy Ahmed ayaa mid u muuqda in hogaamiyaha Itoobiya uu ku  muujinayo in ciidamadiisa ay ku filan yihiin la dagaalanka Tigrayga oo aysan gacan uga baahneyn dowlada Eritrea oo ay hada xulafo yihiin.

Dagaalka ka socda Tigrayga dhulkooda ayaa laga baqayaa in uu sii dheeraado, maamulkaasi ayaa leh ciidamo ka badan 200-kun oo askari oo ku hubeysan hubka culus oo ay aruursanayeen intii xukuumadii TPLF ka talineysay wadanka Itoobiya.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *