Ciisamada Eriteria oo dagaalka Tigrayga toos ugalay kadib duqeyntii Asmara

Published: November 15, 2020

Ciidamada dalka Eritrea ayaa bilaabay duulaan ka dhan ah maamulka Tigrayga kadib markii Tigrayga gantaalo ku duqeeyey caasimada Asmara.

Sadex gantaal ee lagu tuuray Asmara ayaa waxay labo kamid ah ku dhaceen Madaarka magaaladaasi.

Tigrayga ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay gacan siinayeen ciidamada Abiy Ahmed, duqeynta Asmara ayey ku sheegeen mid ay uga aargudanayaan ciidamada Eritrea ee dagaalka ka wada xaduuda Tigrayga  la wadaago dalkaasi.

Tigrayga ayaa hada difaac uga jira laba forin-dagaal isla markaana wajahaya ciidamada labada dowladooda ee Itoobiya iyo Eritrea, xili ciidamada Federaalka ee Itoobiya ay sheegeen inay la wareegeen qeybo kamid ah Galbeedka gobalka Tigrayga.

Abiy Ahmed, Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa todobaadii hore sheegay in hawlgalkooda uu yahay mid ay kusoo qabanayaan hogaamiyayaasha Tigrayga oo uu sheegay inay halis ku yihiin amniga wadankooda, isagoo sidoo kale horey usii sheegay in Tigrayga ay gacanta ku hayaan hub culus oo ay ku jiraan gantaalo gaari kara illaa caasimada Eritrea.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *