Golaha Wasiirada Puntland Oo Ansixiyey Miinsaaniyadda Dowlada

Published: November 15, 2020

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa xalay ansixiyey miinsaaniyadda dowlada ee 2021, kadib shir aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay, isla markaana waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Maamulka ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Miisaaniyadda snadkan ka muuqdo koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Waxaana sidoo kale lagu sheegay qoraalka in Puntland ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021,  waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *