Masar iyo Sudan oo si wadajir ah u bilaabay dhoolatus Militari

Published: November 15, 2020

Ciidamada Komandooska dalalka Masar iyo Sudaan ayaa sabtidii shalay si rasmi ah u bilaabay dhoolatus militari oo ay ku qabanayaan gudaha wadanka Sudan, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada cirka ee labada dal.

Dhoolatuskan militari oo ah kii ugu horeeyey oo ay labadaasi dal ee jaarka ah qabtaan muddooyinkan ayaa la sheegay inuu socon doono illaa 24ka bishan November.

Wuxuu kusoo beegmayaa xili dowladahaasi uu murran dhanka wabiga Neli kala dhaxeeyo Dowlada Itoobiya ee biyo-xireenka ka dhistay wabigaasi oo ay ku nool yihiin wadamadaasi.

Waxay Masaarida iyo Sudaan dhoolatuska ugu magac-dareen (Gorgorka Nile-1).

Dhinaca kale Dowlada Sudan ayaa hada dadaal ugu jirtay inay casriyeyso ciidamadeeda kadib markii Maraykanka ka qaaday xayiraadii saarneyd, Sudan ayaa sidoo kale xiriir la sameysatay dowlada Israel.

Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan sheegay in Masar laga yaabo inay qarxiso Biyo-Xireenka Itoobiya dhisatay, arrintaasi oo sii xumeysay xiriirka u dhaxeeyey Addis Ababa iyo Washington.

Xukuumada Trump ayaa sidoo kale gebi ahaan jartay deeqdii dhaqaale oo ay siin jirtay Itoobiya oo ay ku eedeeyeen inay caqabad ku noqotay wadahadalada Maraykanka doonayey inuu ku dhex dhexaadiyo Itoobiya, Masar iyo Sudan.  

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *