USA: Banaanbixii Taageerayaasha Trump ee Washington DC – Sawiro

Published: November 15, 2020

Taageerayaasha Madaxweynaha laga guuleystay ee Maraykanka Donald Trump ayaa socod ku maray bartamaha magaalada Washington iyagoo ka gadoodsan natiijada Doorashada Madaxweynaha Maraykanka oo uu ku guuleystay murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Kooxda Trump oo banaanbaxan soo qaban qaabiyey ayaa sheegay inay doonayeen 1 milyan oo qof inay ka qeyb qaataan banaanbaxan, balse tirada rasmiga ah ayaa lagu sheegay kumnaan.

Banaanbaxan ayaa xalay markii danbe isu bedalay rabshado kadib markii mucaaridka Trump oo ay ku jiraan kooxaha kasoo horjeeda cunsuriyiinta ay  iyaguna dhigeen mudahaaraad ka dhan ah Trump, labada kooxood ayaa gacanta isula tagay xili booliiska magaalada Washington wadeen hawlgal ay ku kala dhex galayaan labada kooxood.

Donald Trump oo dhiirigelinaya taageerayaashiisa ayaa isagoo saaran gaari korka ka salaamay taageerayaashiisa ka qeyb qaadanayey banaanbaxa, wuxuuna sidoo kale bartiisa twitter kusoo qoray qoraalo uu ku taageerayo banaanbaxa.

Xukuumada Trump ayaa illaa iyo hada ku guuleysan weyday dhawr dacwadood oo ay maxkamada geysay oo la xariira in la musuq maasuqay tirinta cododka, dacwadahan ayey dhamaantood laaleen Garsoorayaasha la horgeeyey kadib markii kooxda Trump ay soo bandhigi waayeen wax cadeynmo ah, qaar kamid ah Qareenadii uu doodayey kooxda  Trump ayaa xilalkooda iska casilay.

Trump oo aan weli ka quusan diidmadiisa natiijada doorashada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Qaaraan uu lacag uga aruursanayey taageerayaashiisa isagoo sheegay inuu u baahan yahay dhaqaale uu ku maalgeliyo qareenada u doodaya.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *