Doon Kalluumaysi Oo Kusoo Caariday Xeebaha Gobolka Gardafuu

Published: November 16, 2020

Dooni kalluumeysi oo ay lahaayeen ganacsatada Puntland, ayaa ku caariday xeebta degmada Gumbax ee gobolka Gardafuu, sida ay sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Doontan ayaa kasoo ambabaxday Yemen, waxayna kusii jeeday Warshaddii Kalluunka ee Xaafuun halkaas oo ay ka raran lahayd  kalluun gasacadeysan oo loo dhoofiyo Koonfurta Yemen.

Cilad ku timid matoorka doonta ayaa ka keenay in doonidu kusoo caarido xeebta, waxaana la sheegay inay badqabaan shan qof oo la socday doonida caariday sida ay u idaacadda daljir u xaqiijiyeen maamulka degmada Gumbax.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *