Laftagareen Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Sh/Hoose

Published: November 16, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, isagoo bedelaya guddoomiyihii hore Ibraahim Aadan Cali Najax.

Laamaha amniga Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa la faray inay la shaqeeyaan guddoomiye C/qaadir Maxamed Nuur Siidi, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

C/qaadir Siidii ayaa horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana haatan mar kale xilkaas u magacaabay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *