SYRIA: Wasiirkii Arrimaha Dibada Walid al-Muallem oo geeriyooday

Published: November 16, 2020

Warbaahinta dowlada Siiriya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay inuu geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dibada ee dowlada Siiriya Walid al-Muallem oo ahaa 79 sano jir.

Walid al-Muallem ayaa sidoo kale ahaa Raysalwasaare kuxigeenka dalkaasi.

Wasiirka ayaa xilalkan qabtay sanadkii 2006 kahor intuusan dagaalka sokeeye ka bilaaban wadankaasi Siiriya, wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn ugu dhaw Hogaamiyaha dalkaasi Bashar Al Assad.

Wuxuu sidoo kale horey usoo noqday Safiirkii Siiriya u fadhiyey dalka Maraykanka intii u dhaxeysay 1990-1999.

Ma jiraan wax faah faahin dheeraad ah oo laga bixiyey geeridiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *